torsdag 27 augusti 2015

Uttal / Dhawaaqa

Uttal

Idag hittade jag en bra sida om uttal. Det är jätteviktigt att uttala rätt orden. Vokalerna tycker jag är grundstenen för uttalen. Självklar man ska kunna också konsonanterna. 
I somaliska fattas det flera bokstäver som: P, V, Z, Å, Ä och Ö. Då du måste kämpa att lära dig dessa bokstäverna.
Samtidig som jag skriver det här lyssnade jag eller tittade jag också på då och då Svenska till varje pris. Där Abdullahi från Somalia är en av deltagarna. Abdullahi ska säga att han har på sig ett par vita skor men uttalar v som f, och det blev nåt helt annat så brukade jag också uttala det odet när jag skulle lära mig. Det var jätte roligt avsnitt att titta på och jag tycker att alla deltagarna är jätte duktiga och modiga.
Jonas som var deras lärare är min arbetskamrat idag om jag skrider lite om det.
Vill du uttala rääääätt och lära dig mycket annat?
Klicka här.... 



Dhawaaqa 

Maanta waxaan helay bog wanaagsan oo ku saabsan dhawaaqa. Waa mid aad iyo aad u mihiim ah in ereyga si saxa loogu dhawaaqo. Shaqallada waxaan u arkaa markaa anigu inay yihiin seeska hoose ee  luqadda. Taas macnaheedu maaha inaan ka tagayo shiibanayaasha ee iyaguna sidoo kale waa muhiim.
Afka soomaaligana kuma jiraan xarfahani sida: P, V, Z, Å, Ä och Ö. Haddaba waa lagama maarmaan inaad si gaara aad xooga u saartaan. Isla wakhtigaas aan qorayo qoraalkan waxaan dhageysanayey/ ishana aan ku hayay mar mar barnaamijka la yidhaahdo: Svenska till varje pris.(kor iyo hoosba waa inaan af iswidhishka bartaa). Cabdullahi oo ka yimid Soomaaliya ayaa ka mida ardeyda ka qaybqaadanaysa barnaamijkan. Cabdullahi waxaa la weydiinayaa: kabaha uu xdhanyahay/qabaa nooca ay yihiin. Markaasuu Cabdullahi af iswidhishka ku odhanayaa waa caddn (vita). Maadaama oo aynaan lahayn  xarafka V Cabdullahi wuxuu ugu dhawaaqayaa sida F oo kale macnaheediina wey ka tagaysaa oo macne kale ayay yeelanaysaa markaas. Runtii aad ayaan uga helay una qoslay, sababta oo ah ana sidaas oo kale ayaan ugu dhawaaqi jiray markaan afka iswidhishka baranayay .
Dhamaan ardeyda qa baybqaadanaysa barnaamijkani waa ardey wanaagsan oo waliba geesiyaal ah.
Maanta waxaan nasiib u helay inaan meel kala shaqeeyo macalinkoodii Jonas, faanba intaasi ha iga ahaatee. 
Marabtaa inaad si saaaaaaaaax ah aad ugu dhawaaqdid?
Riix halkan....


Inga kommentarer:

Skicka en kommentar