torsdag 27 augusti 2015

Uttal / Dhawaaqa

Uttal

Idag hittade jag en bra sida om uttal. Det är jätteviktigt att uttala rätt orden. Vokalerna tycker jag är grundstenen för uttalen. Självklar man ska kunna också konsonanterna. 
I somaliska fattas det flera bokstäver som: P, V, Z, Å, Ä och Ö. Då du måste kämpa att lära dig dessa bokstäverna.
Samtidig som jag skriver det här lyssnade jag eller tittade jag också på då och då Svenska till varje pris. Där Abdullahi från Somalia är en av deltagarna. Abdullahi ska säga att han har på sig ett par vita skor men uttalar v som f, och det blev nåt helt annat så brukade jag också uttala det odet när jag skulle lära mig. Det var jätte roligt avsnitt att titta på och jag tycker att alla deltagarna är jätte duktiga och modiga.
Jonas som var deras lärare är min arbetskamrat idag om jag skrider lite om det.
Vill du uttala rääääätt och lära dig mycket annat?
Klicka här.... 



Dhawaaqa 

Maanta waxaan helay bog wanaagsan oo ku saabsan dhawaaqa. Waa mid aad iyo aad u mihiim ah in ereyga si saxa loogu dhawaaqo. Shaqallada waxaan u arkaa markaa anigu inay yihiin seeska hoose ee  luqadda. Taas macnaheedu maaha inaan ka tagayo shiibanayaasha ee iyaguna sidoo kale waa muhiim.
Afka soomaaligana kuma jiraan xarfahani sida: P, V, Z, Å, Ä och Ö. Haddaba waa lagama maarmaan inaad si gaara aad xooga u saartaan. Isla wakhtigaas aan qorayo qoraalkan waxaan dhageysanayey/ ishana aan ku hayay mar mar barnaamijka la yidhaahdo: Svenska till varje pris.(kor iyo hoosba waa inaan af iswidhishka bartaa). Cabdullahi oo ka yimid Soomaaliya ayaa ka mida ardeyda ka qaybqaadanaysa barnaamijkan. Cabdullahi waxaa la weydiinayaa: kabaha uu xdhanyahay/qabaa nooca ay yihiin. Markaasuu Cabdullahi af iswidhishka ku odhanayaa waa caddn (vita). Maadaama oo aynaan lahayn  xarafka V Cabdullahi wuxuu ugu dhawaaqayaa sida F oo kale macnaheediina wey ka tagaysaa oo macne kale ayay yeelanaysaa markaas. Runtii aad ayaan uga helay una qoslay, sababta oo ah ana sidaas oo kale ayaan ugu dhawaaqi jiray markaan afka iswidhishka baranayay .
Dhamaan ardeyda qa baybqaadanaysa barnaamijkani waa ardey wanaagsan oo waliba geesiyaal ah.
Maanta waxaan nasiib u helay inaan meel kala shaqeeyo macalinkoodii Jonas, faanba intaasi ha iga ahaatee. 
Marabtaa inaad si saaaaaaaaax ah aad ugu dhawaaqdid?
Riix halkan....


Bas / Aasaas

Bas 


Jag byte jobb och jag arbetar på SFI- i Järfälla idag. Jag jobbar bla med Bas. Vad är Bas? Bas är en grundläggande utbildning för nyanlända på studieväg 1. Eleverna har 0-6 års skolbakgrund från sitt hemland och många av de kan inte läsa och skriva på sitt modersmål. Bas finns tre olika kommuner i Stockholm, nämligen Järfälla, Sigtuna och Södertälje. Vill du veta mer om Bas? klick här... 

Aasaas/ Saldhig 

Shaqadii hore ee aan ka shaqayn jiray waan ka tagay oo hadda waxaan joogaa SFI. iiga ku yaala degmada Järfälla. Qaybaha ardeyda ee aan la shaqeeyo waxaa ka mida Aasaas (Bas). Aasaas ama Saldhig muxuu yahay? Aasaas waxaa weeyaan: waxbarashada aasaaska cilmiga ee ardeyda ku cusub waddanka Iswidhen oo ka mid ah dariiqa waxbarashada 1. Ardeydaasi halkaa dhigataa waa ardey wadankoodii waxbarashada ay ku soo qaateeni ay u dhaxayso 0-6 sano. Ardeydaasi intooda badani afkooga hooyo ma qori karaan  mana aqriyi karaan. Aaasaas (Bas) wuxuu ku kala yaalaa saddex degmo oo ka tirsan Istockholm, sida Järfälla, Sigtuna och Södertälje. Haddaba ma rabtaa inaad macluumaad intaa ka badan aad ogaatid? Riix halkan

fredag 21 augusti 2015

långa och korta vokaler / shaqalada dhaadheer iyo kuwa gaagaaban!

långa och korta  vokaler

Idag har jag lagt långa och korta  vokaler under fliken lär dig svenska. Det är bara A a nu, men resten kommer sen....
Om du hittar fel eller har förslag om min blogg tveka inte att kontakta mig. Tack på förhand.


Shaqalada dhaadheer iyo kuwa gaagaaban!

Maanta waxaan soo galiyey qodobka baro af iswidhishaka Shaqalada dhaadheer iyo kuwa gaagaaban. Hadda waa AA aa kaliya, laakiin kuwa kalana wey soo socdaan.....

Haddii aad wax qalad ah aad ku aragtid amaba tallo iyo tusaalaba ah boggaygan, fadlan ila soo socodsii.. mahadsanid.







onsdag 19 augusti 2015

Midnattsloppet! / Orodkii saqdadhexe


Ca 40 000 deltog i midnattsloppet i Stockholm

     

I lördags var jag på midnattsloppet, inte för att delta utan för att titta på, gå runt och njuta av stämningen. Jag var så nyfiken på hur allt gick till. Min son jobbade på midnattsloppet och han var en av funktionärerna där. 
Jag blev väldigt imponerad över att det var ca 40 000 människor som var anmälda. Det var helt fantastiskt, från små till stora deltog. 
Vädret var fint och härligt. Det var varmt, solen sken, himlen var klarblå, träden och gräsen var gröna och framför allt så var människorna glada. 
http://midnattsloppet.com/stockholm/

 Samlingsplatsen för funktionärerna var på Maria skolan på Ringvägen i Södermalm. På en av korridorerna fanns olika skrifter på väggarna som jag ansåg vara motivations rika och tänkte att jag skulle dela de med er.  
Visar 20150815_182759.jpgVisar 20150815_182847.jpg


Qiyaastii 40 000 oo qof oo orday orodkii saqdadhexe ee Stockholm.

Sabtidii la soo dhaafay waxaan aaday meeshii uu ka dhacayay tartanka orodada ee saqdadhexe. Waxaa la soo gaadhay wakhtigii orodka iyo madadaalada. Meeshaas uma aanan tagin inaan ordo ee aan ahayn inaan soo daawado, soo eeg eego iyo inaan ku soo raaxaysto jawigaas, waliba waxa kaloo intaas ii dheerayd iyada oo uu inankaygu halkaas ka shaqaynayay. shaqaalaha ayuu ka mid ahaa.
Waxaan aad iyo aad ula dhacay markaan waraystay wiil mas'uul ah oo uu ii sheegay in dadka isa soo diiwaan galiyey ay yihiin qiyaastii 40 000 oo qof, cajiib! dadkaas oo yar iyo weynba lehaa.
Jawigu wuxuu ahaa mid aad u macaan oo  fiican, kulul, qoraxduna  wey ifaysay, cirkuna wuxuu ahaa buluug saafiya, geedaha iyo dooguna wey cagaarnaayeen. Dadka halkaas joogeyna waxay ahaayeen dad u faraxsan.

Barkulankii shaqaaluhu wuxuu ahaa  uskuulka la yidhaahdo Maria iskuulaan. Luuqa iskuulkaasi gidaarkiisa/darbigiisa waxaa ku dhajisnaa qoraalo kala duwan oo aad iyo aad u xiisa badan, kuwaas oo aan jeclaystay inaad ila qaybsataan.
Visar 20150815_182759.jpgVisar 20150815_182847.jpg
Sawirka 1aad:                                                   Sawirka 2aad: Riyo ayaan leeyahay.
Qaybta 1aad: Cilmigu ma cusla
                         si loo xambaaro.                        
Qaybta 2aad: Cilmigu waa awood.
Qaybta 3aad: Waa cusub ayaa
                        maalin kastaba dhasha.



torsdag 13 augusti 2015

Veckans citat!


Veckans citat!



inget är omöjligt.
Det omöjliga tar bara lite längre tid.

Sir Winston Churchil (1874-1965)


Halqabsigii todobaadka!

wax aan suurtogal ahayni ma jiro.
Waxa aan suurtogalka ahayni wuxuu qaataa kaliya wakhti ka yar dheer. 

Sir Winston Churchil (1874-1965)