måndag 25 november 2013

Den 28-29 nov på kurs/ 28-29 noofambar koorso!

Den 28 och 29 nov är lärarna på kurs

Torsdag 28 och fredag 29 november är några lärare från SI på kurs i Uppsala, det innebär att alla svensklektioner blir inställda,  men prata med din lärare om du är berörd.

28-29 noofambar siminaar ayay macalimmintu ku maqan yihiin

Khamiista 28 iyo jimcaha 29 noofambar waxay u socdaa macalimiinta SI ee Mälargymnasiet qaar ka mid ahi waxbarasho cilmikoradhsi ah ilaa iyo magaalada Uppsala. Taasi waxaa weeyi in cashiradii af iswidhishka ahaa oo dhami aanay jirin labadaasi maalmood. Haddii ay arintani ku khusayso la xidhiidh macalimiintaada.


torsdag 21 november 2013

Byter mitt bloggsnamn/ Magaca bogeyga ayaan badalayaa!

Byter namnet på min blogg
Här med vill jag meddela att jag kommer och byter namnet på min blogg till somaliskash.blogspot.se istället. Anledningen är för att förkorta namnet och för att underlätta. Fom 1/12 2013.
Tack på förhand.

Magac badalista bogeyga
Halkan waxaan rabaa inaan idinku wargaliyo inaan doonayo inaan badalo magaca bogayga oo aan ka dhigo sidan:  somaliskash.blogspot.se , sababtuna waxay tahay inaan soo gaabiyo magaca bogga si ay u fudutaato qoristiisu iyo isku gudbintiisu. Laga bilaabo 1/12 2013

Mahadsanidin

måndag 11 november 2013

12 och 13 november utvecklingssamtal! / 12 iyo 13 noofambar warbixintii ardayga!

Svenska

utvecklinssamtal

Den 12 och 13 november är det utvecklingssamtal för SI elever på Mälargymnasiet. Dessa två dagar ska lärare träffa vårdnadshavare och elever, för att berätta hur det går för elevens utbildning både kunskap och socialt.
Eleverna är undervisningsfria när det gäller SVA men du som läser andra ämnen ska du gå som vanligt med dina lektioner.Det är mycket viktigt om vårdnadshavarna kan följa med sina barn.

Hjärtligt välkomna!

Soomaali 

Wada hadalkii horumarka ardayga


12 ilaa iyo 13 noofamber waxaa jira kulankii lala kulmi jiray waalidiinta mid mid si loo siiyo warbixin ku saabsan xaga waxbarashada carruurtooda. Warbixintaas oo taabanaysa laba dhinacba sida xaga waxbarashada iyo dhaqanka ardayga.
Labadaasi maalmood ardaydu malaha xiisadihii iswidhishka laakiin xiisadihii kale ee maadooyinka kale sidoodii ayay u tagayaan.
Waa muhiim in  waalidiintu/masuuliyuuntu ay soo raacaan carruurtooda. 

Gacma furan ku soo dhawaada!


lördag 9 november 2013

Konferens för modersmålslärare/ Shirkii barayaasha afka hooyo!




Ca 620 lärare under samma tak!

Den 30 och 31 oktober samlades ca. 620 modersmålslärare  från hela landet och Finland i Västerås i Sverige. Dessa lärare kommer ursprungligen från hela världen och talar olika språk, fantastiskt. Det var mycket roligt att träffa så många kollegor från nästan hela världen i en och samma föreläsningssal. Många lärare som var där  har jag inte träffat länge.
Modersmålskonferensen äger rum en gång om året men det brukade vara att träffas språkvis men detta år var det annorlunda, dvs. vi hade gemensam föreläsningar på första dagen medan andra dagen var det språkvis.
Tack till er alla som har anordnat och ni som medverkade. Sådana träffar är viktiga och givande, fler sådana....tack.
ca.120 av dessa modersmålslärare var modersmålslärare i somaliska, studiehandledare och klasslärare..

Soomaali 

ilaa 620 macalin oo qol ku wada jira

30 ilaa iyo 31 bishii oktoobar waxaa kulmay qiyaastii 620 macalin oo ka kala socday wadamada Sweden iyo Finland, kuwaas oo ku kulmay magaalada Västarås ee cariga Sweden. Macalimiintani waxay ka soo kala jeedaan  wadamo kala duwan oo aduunyada dacaladeeda ku kala yaala.
Siminaarkani wuxuu qabsoomaa hal mar sanadkiiba oo ah bisha oktoobar, siminaarkani wuxuu socdaa laba maalmood. Markii hore waxaa loo qaban jiray in intii isku af ahiba ay gaar u kulmaan. Laakiin sanadkan maalintii hore waxaan galnay siminaar wadajir ah, halka maalintii danbana intii isku af ahiba ay gaar u lahaayeen kulamo iyo siminaaro ku baxaya afkooda hooyo. Macalimiinta soomaalida ah ee ka soo qayb gashay waxay ahaayeen ilaa 120 macalin, maclimiintaasi waxay dhigaan af soomaali, caawimada maadooyinka uskuulka iyo inay maadooyinkaba qaar ka mida dhigaan.  
Siminaarada noocan oo kale ahi waa kuwa faa'iidooyi aan la soo koobo karayn ku fadhiy. Mahad celin waxaan u jeedinayaa soo wabanqaabiyayaashii iyo ka qayb qaatayaashiiba.

fredag 16 augusti 2013

Jag beundrar er! Waan idiin bogay!

Svenska
Jag beundrar er ensamstående mammor och pappor. Vilket enormt bra jobb ni gör för era barn. Anledningen till att jag skriver denna inlägg är att jag upplevt själv denna sommar att vara ensam med våra kära barn, eftersom halva av min familj reste till Afrika. Nu är de hemma igen skönt, tack och lov.
Det var mycket lärorikt och givande på många olika sätt men krävande också samtidigt. Att jobba heltid eller mindre och vara ensamstående vet jag ärligt talat  inte hur ni klarar men beundrar er och säger lycka till.


Af Soomaali
Waan idiin bogay hooyooyinka iyo aabayaasha kaligood iyagu haysta carruur. Shaqo/wax aad iyo aad u fiican ayaad carruurtiina u qabataan.
Sababta aan sidan u lee yahay amaba igu dhalisay inaan wax ka qoro arintani waxay tahay anigoo carruurtayada qaar ka mida hayay kaligey xaggaagan. Maadaama oo qoyskayga qayb ka  mid ahina ay tageen Afrika. Hadda ilaahay wuu soo nabad celiyey oo way joogaan, alxamdu lillaah.
Wax badan ayaa iiga kordhay iyo waaya aragnimo haynta aan hayay ilmahayaga sanadkan marka dhinacyo badan laga eego, dhinaca kalana waa hawl aad u culus. Qofka/qofta kaligeed haysta/haysata ilmo ee hadana shaqeeya/shaqaysa wakhti buuxa amaba ka yar. Sidaad labadaa hawlood iskugu haysaan runtii inaan fahmo wey igu adagtahay, laakiin waan idiin bogay waxaanan idin leeyahay sidaas iyo nasiib wanaagsan.

onsdag 14 augusti 2013

Den 13/08-2013 började vi arbeta igen/ 13/08-2013 ayaan ku soo noqonay/laabanay sahqadii!

Tisdagen den 13-08-2013 började vi arbeta igen. Sommarlovet är slut och höstterminen är i fullgång.
Det var skönt att vara ledigt och ladda batteriet. Det som gjorde att sommarlovet var fantastisk var förutom solen att fastemånaden (ramadan) infallit under sommarlovet.
Eleverna börjar skolan mellan 20 och 22 augusti beroende på var man bor i Stockholm.
Nu ska jag blogga och lägga flera lektionen igen.
Välkomna tillbaka.

Salaasadii 13-08-2013 ayaan shaqada ku soo noqonay. Fasixii xaggaagu wuu dhamaady waxaana bilaabmay teeramkii dayrta oo si xooga u socda. Waxay ahayd mid aad u fiican inaan fasax galno si aan baytariga usoo buuxsano. Tan kale ee ka dhigtay fasixii mid aad u xiisa badan marka laga reebo qoraxda waa ramadaantii oo ku soo dhacday fasaxa dhexdiisa.
Ardayduna waxay bilaababayaan iskuulka 20 ilaa iyo 22 ogosto. Tani waxay ku xidhan tahay qofba meesha uu ka dagan yahay Stockholm.
Hadda ayaan soo galin doonaa warbixino iyo casharo mar kale.
Soo dhawaada mar kale.

Mohammed

måndag 17 juni 2013



Modersmålsdagen/Maalinta afka hooyo



Svenska:
Sigtuna kommunens modersmålsenheten den 18 februari 2013.
Vi firade modersmålsdagen idag. Hela världen var där. Det var roligt att så många lärare och politiker kom till öppethuset.
Dessa godisbitarna kommer från hela världen.

Af soomaali:

Degmada Sigtuna ee ku taala Stocckholm waxaa looga dabaaldagay maalinta afka hooyo 18/2- 2013. Maalinta afka hooyo waxaa loo dabaal dagaa 21/2 sanad kasta. Aduunyada oo dhan ayaa halkaas joogtay, waxaan ka wadaa macalimiin badan oo aduunyada dacaladeeda ka kala yimid ayaa halkaas joogay. Waxaa halkaas nagu soo booqday madax sar sare oo degmada ka socotay, maamuleyaasha iskuulo badan iyo macalimiinba, waana mid aad loogu farxo.
Macmacaanadan badan oo ka kala socda aduunyada oo dhan waxaa soo dubay oo keentay macalimiinta afafka hooyo.