torsdag 13 augusti 2015

Veckans citat!


Veckans citat!



inget är omöjligt.
Det omöjliga tar bara lite längre tid.

Sir Winston Churchil (1874-1965)


Halqabsigii todobaadka!

wax aan suurtogal ahayni ma jiro.
Waxa aan suurtogalka ahayni wuxuu qaataa kaliya wakhti ka yar dheer. 

Sir Winston Churchil (1874-1965)


lördag 14 februari 2015

Tand - Ilig

Nu har jag lagt under fliken naturvetenskap vad tandens olika delar kallas på svenska och somaliska.


Soomaali

Waxaan hadda soo galiyey qaybta sayniska hoosteeda, magacyada qaybaha iligga oo ku qoran af iswidhish iyo af soomaali.

torsdag 12 februari 2015

vad är på G.........maxaa soo socda.....



C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\POZXPLND\20120812-222718[1].jpg

Vad är på gång....
Jo, i slutet av förra terminen och den här terminen arbetar vi med NO- (Naturorienterande ämne). Det är en introduktion av NO- för SI (språkintroduktion) elever på Mälargymnasiet. Det innebär att eleverna får lite smakprov om biologi, kemi,fysik och eventuellt teknik. 
Nu arbetar vi med om biologi och har hittills gått igenom om tre delar nämligen:

  1. kroppsdelar
  2. Hud
  3. Tand 

Dessa områden kommer jag publicera här, på både språken svenska och somaliska.


Maxaa soo socda........

Haa, dhamaadkii teeramkii hore iyo kanba waxaan bilownay inaan u dhigno bayoolaji ardeyda fasalada SI (språkintroduktion).
waa hordhac iyo guudmar si loogu diyaariyo uguna fududaato marka ay sida tooska ah ay u bilaabaan. Waxaan haddaba illaa hadda aan kaa gaarnay inaan udhigno qaybaha jidhka qaar ka mid ah, sida:

  1. Qaybaha jidhka 
  2. Maqaar
  3. Ilig
Qaybahan oo iswidhish iyi soomaaliba ah ayaan soo galin donaa boggan.

måndag 24 november 2014

Två innehållsrika dagar/ Laba maalmood oo aad u qiima badan......

.
modersmålslärare och studiehandledare från hela norden

Den 27 och 28 oktober var det konferens för modersmålslärare 
och studiehandledare från hela norden i Stockholm.
Dessa två dagarna var fyllda med innehållsrika föreläsningar och viktiga informationer. Det var två helt enkelt lyckade dagar.
Det var ca 700 modersmålslärare och studiehandledare. De talade 35 olika språk, fantastisk eller hur?

Här vill jag tacka både arrangörerna och deltagarna såsom skolverket, temamodersmål, modersmålslärarna, studiehandledare och sist men inte minst Clarion Sign Hotel.



Soomaali
Taariikhdu markay ahayd 27 iyo 28kii bishii oktoobar waxaa qabsoomay kulankii sanadlaha ahaa ee barayaasha afka hooyo.
Labadaasi maalmood waxay ahaayeen laba maalmood oo aad u qiima badan sababta oo ah waxaa halkaas laga jeediyey casharo/lagjaro aad u qiimo badan iyo warbixino muhiim ah.
Isku soo wadaduub labadaasi maalmood waxey ahaayeen laba maalmood oo cajiiba, miyaanay sidaasi aheyn?

Waxaan halkan uga mahad celinayaa soo qabanqaabiyayaashii iyo kasoo qayb galayaashiiba, Sida wasaaradda waxbarashada, qaybteeda afka hooyo iyo barayaashiiba. Ugu danbeyna hoteelkii lagu qabtay kulanka.



  
  


torsdag 23 oktober 2014

Modersmål konferensens dagordning dag två/ Barnaamijka shirka barayaasha ee maalinta labaad!

Barnaamijka shirka ee maalinta labaad











Modersmål konferensens program dag två

27- 28 oktober
Programmet för dag 2 finns att ladda ner här. Konferensen hålls på Clarion Hotel Sign.

Barnaamijka shirka ee maalinta labaad

27-28 oktoobar

Barnaamijkii maalinta labaad ee 28 ka bisha oktoobar halkan ayaad kala bixi kartaan. Shirku labada cishaba wuxu ka dhacayaa huteelka Clarion. Wixii warbixin ee dheeraad ah waan idiin soo gudbin doonaan. Barnaamijka shirka









tisdag 7 oktober 2014

Läsningen/ Akhriska!


C:\Users\moabd002\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.IE5\AXEC5MAY\MC900233118[1].wmf

Jag var på en föräldramöte i torsdags den 2 oktober, och fick tips från läraren hur vi skulle kunna hjälpa våra barn för att lära sig att läsa, och de som kan läsa lära sig i sin tur hur man blir bra läsare. Dessutom delade hon ett papper.
Detta tyckte jag var bra och bestämde mig för att dela det med er.


Svenska
  
Så här kan du hjälpa ditt barn med läsningen:


  • Se till att det finns tid och en bra plats hemma där ni kan sitta ostörd och läsa tillsammans.
  • Börja med att fråga om hon/han kommer ihåg vad boken handlar om.
  • Lyssna sedan när ditt barn läser.
  • Om det är ett kort kapitel får ditt barn berätta om handlingen. Har boken långa kapitel kan göra uppehåll efter ca tre sidor och barnet får berätta. Ställ också öppna frågor (inte ja och nej frågor), t ex. Vad texten handlar om? Vad hände först? Vad hände sedan? Vad tror du kommer hända sedan.
  • Förklara svåra ord.
  • Avbryt inte vid felläsning utan rätta när meningen är slut.
  • Påminn ditt barn om att läsa lugnt och stanna vid punkt.
  • Uppmuntra ofta.
  • Fortsätt där efter att lyssna.
  • Låt ditt barn återberätta med jämna mellan .
  • Det är viktigt för barn att ha läsande förebilder så om ditt barn ser dig läsa kan intresset öka ytterligare.

Af soomaali
Waxaan khamiistii hore ee 2 oktoobar aan ka qayb galay shir waalid oo ku saabsanaa waxbarashada carruurta. Waxay macalimaddii tallooyin naga siisay sidii aan carruurtayada uga caawin lahayn in ay waxakhriska bartaan iyo sidii kuwa wax akhriyi yaqaanaa ay u noqon lahaayeen kuwo akhriska ku fiican.
Waxayna noo qaybisay waraaqo.
Markii aan arkay warqaddaas iyo wixii ku qornaa ayaan jeclaystay inaan idinla qaybsado qodobaddii halkaas ku qornaa waana kuwan.

Sidan ayaad uga caawin kartaa ilmahaaga xagga wax akhriska:

  • Wakhti sii iyo meel fiican oo guriga ka mida oo aad fadhiisataan qaylo iyo buuq la'aan.
  • Ku bilow inaad weydiisid inay ama inuu xasuusto waxa uu buuggu ku saabsan yahay.
  • Dhagayso ka dibna marka uu ilmahaagu akhriyayo.
  • Haddii uu yahay cutuka aad akhriyeysaani mid gaaban, ha kaaga sheekeyo/sheekayso ilmahaagu. Laakiin haddii uu buuggu leeyahay cutubyo dhaa-dheer saddex bog markuu akhriyaba/akhrisaba joogsada oo ilmahaagu ha kaaga waramo/waranto wixii uu soo akhriyey ama wixii ay soo akhrisay. Su'aalo furana ka weydii oo jawaabtoodu aanay ahayn su'aalaha haa ama maya lagu jawaabo. Tusaale ahaan Maxaa dhacay markii hore? Maxaa dhacay markii dambe? Maxaad u malaynaysaa inay dhici doonaan  hadhaw ama gadaal dambe?
  • Ereyooyinka adag ee ku jira u sharax.
  • Laaxinka (haddii uu si qalad ah u akhriyo) ha ku qabsan oo ha joojin, hadhaw markuu weedha dhameeyo sax.
  • Xasuusi ilmahaaga inuu si dagan u akhriyo oo uu meelaha joosiga ahna uu ku hakado.
  • Guubaabi oo amaan had iyo jeer.
  • Sii wad dhagaysigaaga oo dhagayso.
  • u ogolaw ilmahaag mar mar inuu kaaga sheekooyo buugga.
  • Ilmaha muhiim ayay u tahay inay haystaan dad hormood u ah oo ay ku daydaan xagga wax akhriska. Haddii ay ilmahaagu arkaan inaad qof wax akhriya aad tahay iyaguna aad ayay u xiisaynayaan inay sidaada oo kale wax u akhriyaan.